By Abdirahman Ahmed Shunuf, Nagib Ahmed Shunuf and Mohamoud Ahmed Shunuuf

Hargaysa, (Shunuuf)  -Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 16 bisha June 2019 magaalada Hargaysa ku geeriyooday abwaanka gayiga Soomaalida caanka ka ah alla naxariistii janno haka waraaabiyee Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi oo ku magic dheeraa Jabiye.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysii ay Maamulayaasha mareegtan Shunuuf ee kala ah Prof. Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf, Nagiib Axmed Shunuuf iyo AHU Marxuum Maxamuud Axmed Shunuuf kula yeesheen Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi (Jabiye) bishii oktoobar ee sanadkii 2000 kii magaalada Hargaysa. Suaalihii iyo jawaabihii waraysigaasina sidan ayay u dhaceen.

 Sua’aal: Saxardiid, Halkee ayaad ku dhalatay kuna barbaartay?

Saxardiid: Waxaan ku dhashay magaaladan Hargeysa xaafadda la yidhaa “Jameeca_weyn” kun iyo sagaal boqol iyo dhawr iyo sodankii. Shaqooyin aad ukala duwan ayaan ka so qabtay, kol waxaan ahaa nin farsamadda gacanta ku shaqeeya, kol waxaan ahaa ciyaartoo kubadda cagta iyo xeegadaba ku fiicnaa qayb weyna ka soo qaatay. Waxaan kubadda cagta  u ciyaari jiray koox la odhan jiray “Hargeysa team” ama “kooxda Hargeysa”. 1956kii ayaan ku jabbay halkaas ayaanan kaga fadhiistay. 1959kii ayaan ka bilaabay shaqo idaacada Magaaladda Hargeysa, waxaanan ka shaqeeyay ilaa habeenkii magaaldda Hargeysa ay SNM soo gashay ee xukunkii Afweynee dhacay.

abwan-saxardiid-jabiye-nagiib-axmed-shunuuf-iyo-Hamish-Wilson
Alla ha u naxariiste Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi Jabiye (Dhexda) oo la sawiran Nagiib Axmed Shunuuf (Bidix) iyo Hamish Wilson sanadkii 2015 kii magalaada Hargaysa

Su’aal: Goormaad hal-abuurnimada bilowday ogaatayna inaad hibadda leedahay?

Saxardiid: Hal-abuurnimadu qofna wuxuu ku soo bilaabaa yaraantiisii, qofna weynaanta ayuunbuu badhtanka kaga dhacaa. Anigoo aad da’daydu u yartahay ayaan bilaabay, markaa ku dayasho, markii dadkii wada heesay ayaan anna dhinac ka raacay.

Su’aal: Heestii kuuguu horaysay eed aliftay magaceedee muxuu ahaa?

Saxrdiid: Heasaha qaarna waa la tiriyaa uun, qaarna luuqayn ayaa lagu daraa. Heesahaan ka qayb qaatay ama aan anigu curiyay intaanan soo shaacbixin ilaa dhexdhexaadkii kuntomeeyadii wey badnaayeen. Heestii ugu horaysay ee tisqaadaa waxay ahayd hees wadani ah oo ka hadlaysay markii “Reserve Area” la bixiyay 1954kii. Heesta waxaa la odhan jiray “Ka Sarakaca”, Midhaheeda halkan ka akhriso, Ka sara kaca , waxaana ku qaaday Maandeeq .

Su’aal: Ruwaayaddii kuugu horaysay eed samayso maxay ahayd?

Saxardiid: Waxaa magaceeda la odha jiray “Gardiid waa Alla diid”,waxaanan sameeyay 1959kii. Ruwaayaddu waxay ku saabsanayd waqtigii ummadda Somaliyeed u bislaatay inay hanato   gobanimadeeda. Heesahii ruwaayadda ku jiray waxay u badnaayeen wadani. Waxay ruwaayaddu ku socotay inan’ xisbiyadda ku jirtay iyo inan miyiga ka yimid. Waxa ka mid ahaa suugaantii ku jirtay , “Geeskii Afrika”, halkan ka akhriso midhahaas, Geeskii afrika heesaha waxa ka mid ahaa, “Hasheena Maandeeq”,halkan ka akhriso midhaha heesta oo ila imika qiimo weyn leh. Maantay curatooy mataanaysee aan maalo hasheena Mandeeq.

Su’aal: Habeenkii calanka la saarayay 26kii June 1960kii maxaad ka tirisay?

Saxardiid: wax tabaabusho ah oonu ku talagalay maalintaas horta may jirin,

caawoo kalana calankii ayaa la saarayaa. Cumar Carte Qaalib oo

markaa “Assistant DC” ka ahaa magaaladda Hargeysa ayaa noo

yimad anagoo “Walaalo Hargeysa” ahaan meel u fadhina. Wuxuu na

weydiiyay ” maxaa ugu talagasheen calankii caawaa la saarayaaye?

“waxaanu ugu jawaabnay “waxba”. Wuxuu intaa nogu daray, ”

caawa waxaa goobtaa sharafta leh ka odhan lahaydeen ayaa la

rabaa, todobada fiidnimona gaadhi ayaan idiin soo dirayaa ee

hawl gala”. Maxamud Xarbi ” oo ahaa xornimo doonkii reer

Jabuuti” ayaa habeenkaa habeenkii ka horeeyay ka soo duulay

Xamar si uu noogala qayb qaato dabaaldegga calan saarka

Somaliland.

hees isaga aanu u tirinay midhaheeda waxa ka mid ahaa,

inaad magaceena muuji lahayd

intaad soo martaa markhaati furtaye

mudane Xarbiyow ma nabadbaa

 

Wuxuu noo qoray 3,000 oo shilin oo waqtigaa lacag badan joogay.

Barkhad-Cas Ilaahay haw naxariistee oo aanu meesha wada

fadhinay ayaan ku idhi ” Maxamadow adna hees xafladan u samee

anna hees ayaan u samaynayaa”. Waxaan isku dayay inaan

fadhigii ku sameeyo, hasayeeshe, waan helay waayay oo ereyo u

qalma ayaa igu soo dhici waayay. Intaan fadhigii ka sara kacay,

ayaan wadada laamidee Shantamaylka ka timaada ayaan afka saaray

oo dooxaan ka talaabay. Kolkaan baatroolaha “Total” marayo ayuun

baan samada kor u eegay, waxa igu soo dhacday kelmed la odhan jiray

markay abaari raagto cirkuna inuu hooro maagay. “Kadaba”, halkaas

ayaan ku helay eraygii aan raadinayay midhihii kalee heestana

waxaan ku soo taxay intaan dib u soo socday. Cabdilaahi Qarshe

Ilaahay haw naxariistee, ayaa isna guriga fadiya oo kolkaa kamanka

heesta ku fadhiisiyay, Maxamad Yuusuf oo isna nala joogay ayaan

heesta u dhiibay. Midhihii “Kadabaa” halkan ka akhriso midhihii

heesta ku jiay Kadabaa Dhaha.

Habeenkii calanka labbadda heesood een midna anigu sameeyay

midna uu sameeyay Abwaankii Barkhad-cas, Ilaahay ha naxariistee

, halkan riix Soomaaloo Qaran ah

, “Qaran” ayaa wax hees ah goobtaa laga tiriyay, hees kaloo

habeenkaa la tiriyay may jirin.

Su’aal: Ruwaayaddii hanaan qurux wanaag maxay ulajeedadeedu ahayd?

Saxardiid: Waxaan sameeyay ruwaayadda 60kii, qol ayaanay iskaga xidhnayd.

Isla markiiba waxaan dareemay lababdeenii qaybood ee israacay

inaan waxSomaliland loo ogolyahay aanay jirin. Debadeed 64kii

ayaa markaan arkay inay wixii sii socdaan oonay waxba iska

bedelayn ayaan doonay inaan dadka baraarujiyo si aynu uga soo

goosano oo aynu inagu isu maamulo. Ruwaayaddu waxay ka socoto

lama qeexo oo maraa la huwiyaa ilaa lagugu garto. Heesaha ku

jiray Ruwaayadda waxa ka mid ahaa, hibooy hadal macaaneey,

midha geed ku yaal, iyo heeso kaloo badan. Halkan ka akhriso

midhaha heesha ku jiray

 

wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina Shimbir

Hibooy Hadal macaaneey Shimbir

Guud Haldhaaleey shimbir

Ilwaad Quruxeey Shimbir iyo Magool

iyo heeso kaloo badan oo aanaan halkan ku haynin.

 

Su’aal: waligaa gabayo miyaad samaysay?

 

Saxardiid: Haayoo gabayo badan ayaan sameeyay, laakin imika qaar badan

ayaan ilaabay. Gabaygan waxaan tiriyay lixdankii oo aan kula

hadlayay xamar oon Aadan Cadde la hadlayay.

gabaygan oo aan kaga hadlayay xumaatooyinka inagu soo fool

lahaa oon islahaa dadka dareensii iyagoon u bislaan.

 

Suaal: Ruwaayaddii laguma dhaamee dhaqaaq siday ku soo baxday maxaanay

ku saabsanayd?

 

Saxardiid: Ruwaayaddani waxay matalaysay dawladdii waqtigaa 1965kii

wadanka ka talinaysay. Dawladdaas oo nin walbaaba lahaa anigay

igu gudhaa. Sarkaal kasta oo dawaladda ka mid ihina uu dadka

iskaga dhigo inuu yahay ka kaliya isagoo leh ciddi ima dhaanto.

Ruwaayadda waxay ku socotay afar nin iyo gabadh, nin tuurleh,

nin curyaanah, nin cawaran iyo nin xoog weyn. Heesaha ku jiray

halkan ka akhriso qaar ka midah :

 

Deeqa arramidaadii

Ogow Garina

Calaf duug ma yeeshee

kani waa hanadkii

iyo heeso kaloo badan oo wali naga maqan.

 

 

Suaal: Ruwaayaddii Booraamo Hadimo Ha Qodin ku Dhici Doontaana Mooyaane,

heesihii ku jiray maxaa ka mid ahaa?

 

Saxardiid: Heesihii ku jiray ruwaayadda waxa ka mid ahaa:

 

Saxariir cabdi qays

Waxa i helay huq raagtay

kas caano galeen Magool

ogow bal eeg Magool

.            lad oo ha liicin gacanlow hibo, iyo heeso kaloo badan.

 

Sua’aal: Imisa Ruwaayadood ayaad samaysay?

Saxaridiid: Horta wey fara badnaayeen waqti horana wey ahayd,

waanan kala iloobay waqtigan aynu joogno, laakin waxaan

odhan karaa ilaa 10 ruwaayadood wey gaadhayeen. Waxaan

magacaabtoodii ka mid ahaa, iyagoon ku koobnayan:

 

Gardiid Waa Alla Diid

Malko

Wacad alloon kaa Cabbaa

Wanqal

Ismoodsiis

Fiiriyaa ma Fallo,

Booraamo Hadimo ha qodin ku dhici Doontaana Mooyaane

Hanaan Qourux Wanaag

Laguma Dhaamee Dhaqaaq

 

Su’aal: Imisaa fanaaniin caan imika ah oo lawada yawqaan ayaa ku soo

shaac baxay ruwaayadahaad samaysay?

Saxardid: Waa suaal wacan. waxay ila tahay inay aad u badan yihiin,

waxa qayb libaax ka qaatay, Cismaan gacanlow, Magool, Shimbir,

Cabdi Qays, Cabdi Tahliil, Faadumo cabdilaahi, Maandeeq,

Cali Bamfas, Shankaroon, Dacar, Maxamad Yusuf, Maxamad Axmad

iyo qaar kaloo badan.

 

Sua’aal : Kabba Caddii yaa ka mid ahaa, waqtigoodii se goormuu ahaa?

Saxardiid: waqtigoodi waxa lagu qiyaasaa 1936kii ilaa 1945kii, waxaana

ka mid ahaa rag aad u fara badan oo ay ka mid yihiin,

Yusuf Qudun, Mooge Baban, Sanyare, Ayban, Cadduur Cali Axmad,

Cumar Mushteeg, Farabadane, Yusuf Cadde iyo qaar kaloo badan.

 

Su’aal : Walaalo Hargeya yaa ka mid ahaa, waqtigoodiina goorma ayuu ahaa?

Saxardiid: Walaalo Hargeysa Waqtigoodii waxa lagu qiyaasaa

[1945kii ilaa 1960kii] Ina Axmad Guuleed, Ina Nuur Qabaas oo

ahaa ninka “Raaxeeye” alifay, Xuseen Aw Faarax, Maxamad Yusuf,

Cali Sugule, Ismaaciil Axmad [Cagaf], Tayuub Caamir,

Barkhad Cas, Cabdilaahi Qarshe, Maxamad Axmad, Baaniyaal,

Gidhin, Xasan Samatar, Maxamad Saciid, Cunaaye, Xasan Nahaari,

Cumar Dhuule, Guroon_Jire iyo qaar kaloo badan.

 

Su’aal: Maxaa u dhaxeeyay kabba-cadii iyo walaalo hargeysa?

Saxardiid: Horta fanku gabigiisaba wuxuu ka soo bilaabmay ciyaarihii

miyigeena. Kabba caddu waxay ahaayeen kuwii soo suuqeeyay ee

keenay magaalooyinka, ama gabay ha ahaato ama hees ha ahaato,

iyagaana ugu horeeyay wax ku tuma codad kuna yeedha.

walaalo hargeysana kuwii dhagaha dadka u macaaneeyay ayay

ahayeen ee maskaxda dadka ku beeray sida luuqda iyo muusigga

[ dananka] loo dhagaysto.

 

Sua’aal : Ma midhahaa codka hogaamiya mise muusigga [dananka]?

Saxrdiid: Midhaha ayaa hogaamiya, bari ayaanu niman aanu saaxiib ahayn ka

muranay arrintaa iayadda ah. waxaan sameetyay afar heesood,

saddex midhahooda si isku dhaw ayaan u sameey, tii ugu

dambaysayna si ka gooniya ayaan u sameeyay midhaheeda.

Saddexdii isku midka ahaa markiiba dananka way ku fadhiisiyeen,

tii kalena wey u taag waayeen. illaa aan u bedelay midhihii may

helin danankeeda. midhaha ayaa codka keenaa ee codku midhaha

ma sameeyo, codku wuxuun buu macaaneeya.

 

 

Suaal : Midhaha sidee baad u samaysaa?

Saxardiid: Horta waa inaad heshaa “topic” ama waa inay jirtaa ulajeedo

aad miidhaha u samaynayaa. Waa inaad halkudheg heshaa marka hore.

Wuxuu tusaale nagu siiyay , mar isagoo ruwaayad samaynaya uu

helay bayd kaliyaa oo ahaa sida tan intii kalena ay ka xidhantay

ama uu heli waayay.

 

 

waa guul hel ama waa is gawracaa’,

geeri iyo nolol baa guboonaadee

somali Ilaahow garansii

 

 

Barkhad-cas, Ilaahay haw naxariistee, oo ruwaayadda ku jiray, ayaan ku

idhi dhammee wey iga xidhantee. Ilayn “topic”ga ayuu haystaaye, si hawl

yar ayuu ugu biiriyay baydkan kale:

 

 

waa gudhi ama waa hashaada godlee

gaajiyo dhereg baa gudboonaadee

Somali Ilaahow garansii

 

 

Suaal : “Music” iyo “musician” maxaa af-somalilga lagu yidhaahdaa?

Saxardiid: qofka wax tuma iyo waxa la tumayo horaan uga faalooday.

Barigii af-Somlaiga la qorayay ayay Xasan Maygaag, Muuse Galaal

iyo Cumar Usteeliye oo wada socda sua’aashaa i weydiiyeen iyagoo

markaa af-Somaliga ururinaya. Waxaan ugu jawaabay maansadan oon

ku eraybixinayo kuna fasilayo.

 

 

duunyada kaleetiyo haddii geel dar lagu horo

oon loo dunuunicin biyaha wa ku diidaa

ma durduurtee weys dul taaga

durbaan cidiisa ama dananka

ruuxii dareemee kolkaa dakaansan

wey daal tiraanoo waa dux iyo subag

 

 

Markaa af-somali wuxuu “music” noqonayaa “danan”

Qofka tumayaana “musician” in la yidhaa “dananshe” ayaa fiican ayaan

ku idhi.

 

Suaal: fanaaniitii hore iyo fanaaniinta imika jooga waa maxay faraqa u

dhaxeeyaa?

Saxardiid: Horta, fanaaniitii hore iyo kuwan maanta jooga waqtiga ayaa

kala kaxaynaya oo shalay iyo maanta isku mid aha. Dadkii

horana kuwii barigii hore tummi jiray ayay jecelyihiin kuwan

dambana kuway la jaan-qaadeen ayay la dhacsanyihiin.

saban waliba fanaaniintisuu leeyahay. Barigii hore qof

walbaaba heestiisa ayuu ku ekaan jiray, imikana waxaad arkaysa

qof 30 heesood oonu shaqu ku lahayn qaadaya. Waxay ila tahay

haddii fanaaniin badan uu midba mar isla heestii qaado,

inay macna guurto oo dhadhankii heesta ka lumo.

Suaal: Aduunyada kaloo dhammi qiimo ayay u yeeshaa fanaaniintooda,

maxay dadka reer Somaliland u qiimayn la’yihiin abwaaniintooda

iyo fanaaniintooda?

Saxardid: Waa suaal wanaagsan. Horta way qiimeeyaan, umadda Somlaliduna

fanka aad ayay u jeceshahay waanay qiimaysaa. Waxa jiri jirtay

in qofka is yidhaa si fiican u hadal uu ama ku hadli jiray

gabay ama geeraar ama maahmaah iwm. Waxay ila tahay fanaaniinta

qaarkood ayaan kor isku dhigin oon is qiimayn.

Suaal : Ruwaayaddo farabadan iyo suugaan aad u balaadhan ayaad mudo aad

u yar u soo bandhigtay umadda af-Somaliga ku hadasha dhammaan.

Maxaad fankii uga baxday kuna aamusiiyay 30kii sanadood ee ugu

dambeeyay?

 

Saxardiid: Waa suaal fiican, in wax laysa su’aalaana wa wax meesha ku

jira. Fanka in badan ayaan doonay inaan heerku taagan yahay ka

gudbiyo, oon halkuu taagnaa hore uga sii mariyo. Kolkaan

badhtanka soo gaadhsiiyay ayuu dib iila noqday oo halkii aan

is laha ka soo dhaqaaji ayuu igula noqday. Waayo markii horaba

maan donayn inaan fanka ka dhigto shaqo ee fanka naaxintiisa

ayay ahayd ulajeedadaan u soo galay. Markii ay iga gaabiyeen

een is idhi wax badan halkii ka soo riix ayaan goostay inaan

hawlo kale ku foofo oo aan fanka faraha kala baxo.

Markii uu jawaabtaa Saxardiid bixiyay ayuu Cali Bamfas oo isna goobtaa

nala fadhiyay kala wareegay oo uu noo shaagay inuu dareemay aamusnaanta

Saxardiid. waxa Cali uu halkaa ka yidhi “Waxa jiray gabay aan ku sameeyay

Mandheera 1981kii anigoo halkaa ku xidhan. Gabayaygan oon ku soo

wareejiyay fanaaniinta Somaliland oo dhan oo qofba uu baydad ku lahaa.

Sidan ayuu ahaa baydka ku socday Saxardiid.

 

“Saxardiid hagoog siduu u galay heesna tirin waaye

intii uu kadeedkani hirgalay muu halaanhaline

sababtuu fankii uga hadhgalay la hubsan doonee”

 

 

Dhamaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here